Kenya oo amaanka xadka Soomaalia ay la wadaagto adkaysay kadib midowgii Al-shabaab iyo Al-qaacida

Published: February 12, 2012

Wasaarada amniga ee dalka Kenya ayaa sheegtay in si aad ah loo adkaynayo amaanka xuduudka kala qaybiya Kenya iyo Soomaalilya si looga hortago khatar ka timaada dhinaca Al-shabaab.

George Saitoti oo ah wasiirka wasaaradda amniga ee Kenya ayaa sheegay in si aad ah loo adkaynayo ammaanka xadka kala qaybiya labada dal islamarkaana si adag loo baari doono cid walba oo usoo talaabaysa dhinaca Kenya .

Saitoti ayaa sidoo kale sheegay in Kenya ay ka go’an tahay inay ilaashato amaanka xuduudaheeda si looga hortago cid walba oo rabta inay dhinaca Kenya usoo gudubto si ay xasilooni daro uga abuurto.

Wasiirka amniga ee Kenya ayaa dhinaca kale tilmaamay in qorshahan amaanka xuduudka lagu xoojinayo uu yimid kadib markii la helay xogo muujinaya in Shabaabku ay qorsheynayaan weeraro ay ka geystaan gudaha dalka Kenya.

George Saitoti ayaa ugu danbeyntii sheegay in mileeshiyada Al-shabaab awoodooda si aad ah loo wiiqay laga soo bilaabo xiligii ay Mileteriga Kenya dalka Soomaaliya gudaha u galeen sidaas darteedna ay hubaal tahay inay wadaan abaabulka weeraro aargoosi ah oo ay gudaha Kenya ka fuliyaan.

Arintan ayaa imaanaysa xilli labo beri kahor ay xarakada Al-shabaab ee koonfurta Soomaaliya ka dagaalantaa si rasmi ah ugu biirtay shabakadda Al-qaacida arintaas oo noqotay mid ay dowladaha Soomaaliya deriska la ahi walaac aad u xoogan ka muujiyeen.

 

Horeed Media