Kenya oo codsi u dirtay bulshada ku dhaqan xaduuda Soomaaliya iyo Kenya

Published: December 26, 2019

Dowlada Kenya ayaa shaacisay in ay bilowday qorshe cusub oo ay kaga hortageyso weerarada dagaalyahanada Al-Shabaab ka geysanayaan gobolka waqooyi bari gaar ahaan Ismaamulka Wajeer.

Madaxa amniga dowlad goboleedka Wajeer  Jacob Narengo ayaa sheegay in ciidanka amniga ay kaashan doonaan shacabka ku nool xadka Kenya iyo dhanka Soomaaliya si looga hortagayo falalka Argagixiso.

Mr Narengo ayaa intaa ku daray ka gudoomiye ahaan in uu go,aan saday wadashaqeyn in ay dhaxmarto ciidanka amniga iyo shacabka ku nool deegaanada u dhaxeeya labada xad ee kenya iyo Soomaaliya.

Gudiga Amniga Wajeer ayaa qaba in arintaan ay waxbadan ka badali doonto falalka amni darro hadii si wadajir ah ay u shaqeeyaan shacabka labada wadan iyo ciidanka Amniga Kenya.

Ismaamulka Wajeer ayaa waxaa ka dhacay shan weerar bilihii la soo dhaafay taasi oo ka dhigan in safka hore ay uga jirto deegaanada ugu badan oo sanadkaan ay ka dhaceen weerarada Argagixiso ee gudaha Kenya.

Dhanka kale maalintii Isniinta ayaa ciidamo ka tirsan kuwa amniga oo howlgal ka waday degmada Kutulo waxay ka badbaadeen miino lagu aasay wadada qarkeeda oo ka dhacday wadada isku xirta Degmada Tarbaj iyo Kutulo ee Ismaamulka Wajeer.

Dowlada Kenya ayaa sidoo kale ugu baaqday odayaasha dhaqan ee labada wadan saraakiisha arimaha bulshada u xilsaaran dowlada ee loo yaqaan Cheifaf-ka in ay dardar galiyaan sidii xogaha amni loola wadaagi lahaa ciidanka Dowlada.

Ugu danbeyn madaxa amniga Ismaamulka Wajeer ayaa Jocab Narengo ayaa sheegay in baadi goob ay wali ugu jiraan lix nin oo ka shaqeeya dhismaha guryaha oo dabley la tuhmayo in ay ka tirsan yihiin Al-Shabaab ay ku afduubteen todobaadkii hore duleedka magaalada Wajeer.

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *