Warbaahinta Kenya oo weerarkii Lamu ku eedeysay Iran

Published: January 6, 2020

Warbixino ay daabaceen wargeysyada kasoo baxa dalka Kenya ayaa saaka waxaa ciwaan looga dhigay in weerarka Al-shabaab ay ka fuliyeen deegaanka Lamu uu xiriir la leeyahay khilaafka u dhaxeeya Iraan iyo Maraykanka islamarkaana aargudashadii Iran ay ku hanjabtay ay tani qayb ka tahay.

Balse afhayeen u hadlay Al-Shabaab ayaa beeniyay in xasarada siyaasadeed ee ka dhex taagan Mareykanka iyo Iran uusan sal isku laheyn, islamarkaana iyagu ay weerarkaasi qaadeen.

Al-shabaab ayaa bilihii ugu dambeeyay waxaa ay kordhiyeen weerarada ay ka gaysanayaan gudaha dalka Kenya, iyadoona weerarka xerada Mandabay uu kusoo beegmay xili maalin ka hor sirdoonka Kenya ay shaaciyeen in Kenya gudaheeda ay ku sugan yihiin xubno ka tirsan Al-Shabaab oo weeraro qorshaynayaaan, islamarkaana  shacabka laga dalbaday in xogta ay la wadaagaan laamaha amniga.

Horseed Media

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *