Khasaare xoogleh oo kasoo gaaray ciidamada Ukraine duqeynta saldhigoodii Mykolaiv

Published: March 20, 2022

Diyaaradaha dagaalka ee Ruushka ayaa duqeeyey Saldhiga ciidamada Ukraine ee ku yaal magaalada Mykolaiv oo ku taal koonfurta dalkaasi, kana mid ah goobaha uu dagaalka xoogan ka socdo.

Duqeyntan ayaa si gaar ah loola beegsaday xarumaha ay seexdaan askarta, waxaana la rumeysan yahay in Ruushka duqeyntan u adeegsaday gantaalada la hago oo burburiyey gebi ahaan saldhiga magaaladaasi oo hada ah jiida hore ee dagaalka ka socda koonfurta Ukraine.

Ciidamada Ruushka ayaa doonaya inay qabsadaan magaalada Mykolaiv si ay ugu sii gudbaan dekada ugu weyn dalkaasi ee ku taal Odesa si ay gebi ahaan ulla wareegaan gacan ku heynta xeebta dalkaasi Ukraine.

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *