Published: March 26, 2022
![](https://horseedmedia.net/wp-content/uploads/2022/03/Duqeyn-Jeddah-250322-1.jpg)
Kooxda Xuutiyiinta Yemen ayaa Jimcihii shalay weeraro duqeyn ah la beegsaday magaalooyinka Jeddah iyo Riyadh.
![](https://horseedmedia.net/wp-content/uploads/2022/03/Duqeyn-Jeddah-250322-2.jpg)
Duqeyntan ayaa isugu jirtay mid ay u adeegsadeen gantaalada ridada dhexe iyo waliba diyaaradaha Drone-ka.
![](https://horseedmedia.net/wp-content/uploads/2022/03/Duqeyn-Jeddah-250322-0.jpg)
Sacuudiga ayaa sheegay in khasaaro soo gaareen qaar kamid ah xarumaha shidaalka sida warshada ku taal Jeddah oo uu dab qabsaday, balse waxay sheegeen inaysan jirin wax dhimasho ah.
![](https://horseedmedia.net/wp-content/uploads/2022/03/Duqeyn-Jeddah-250322-3-1200x675.jpg)
Magaalada Jeddah ayaa lagu wadaa in maalinta berri Axada ah lagu qabto tartanka gawaarida ee Formula 1 (Grand Prix), xafladaasi oo la sheegay in sidii loogu talo galay u dhici doonto oo aan dib loo dhigi doonin.