Kheyre oo la kulmay guddiga qaban qaabada xuska ee todobaadka xoriyadda

Published: June 22, 2020

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Cali Khayre ayaa kulan la qaatay Guddiga qaban-qaabada xuska sanad guurada 60-aad ee Todobaadka xoriyadda iyo midnimada ee 26-ka June iyo 1da July.

Ra’iisul Wasaare Kheyre ayaa  guddiga ka dhageystay warbixin la xariirta hannaanka ay ugu diyaar garoobeen weyneynta munaasabadaha soo socda ee lagu xusayo sanad guurada 60-aad.

Mudane Xasan Cali Kheyre ayaa guddiga ku bogaadiyay inay dardargeliyaan howlaha baaxadda leh ee horyaalla.

HORSEEDMEDIA

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *