Kheyre oo qaabilay wafdigii ka yimid Somaliland

Published: December 22, 2019

Ra’iisul Wasaaraha xukuumada Federaalka  Hassan Ali Khaire ayaa xafiiskiisa ku qaabilay wafdigii ka yimid Somaliland una  yimid taakuleynta walaalahooda ay saameeyeen fatahaadaha Wabiyada.

Xubnaha guddiga Gurmadka fatahaadaha Wabiyada dalka ee Somaliland ayaa Muqdisho keenay, lacag gaareysa 600’000$ Lix boqol oo kun oo Doolarka Mareykanka ah, taasi oo ay walaalaha Somaliland uga qeyb qaadanayeen, Taakulada walaalaha ay saameeyeen fatahaadihii ka dhacay qeybo ka mida gobolada ay Wabiyaddu maraan.

Ra’iisulwasaare Kheyre ayaa xubnaha guddiga uga mahad celiyay, Isxilqaanka walaalnimo ee ay u sameeyeen walaalahooda Soomaaliyeed.

HORSEEDMEDIA

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *