Published: July 7, 2020
Wasaaradda Caafimaadka ee dowladda federaalka ee Somaliya ayaa shaacisay in 9 kiis oo cusub oo cudurka Coronavirus laga helay Somaliya
![](https://horseedmedia.net/wp-content/uploads/2020/07/83785194_2910021615787671_1394128732514659685_o-1024x505.jpg)
Wasaaradu waxay sheegtay in kiisaska cusub ee Coronavirus laga helay degaamada ay maamulaan Somaliland, Jubbaland iyo Puntland. Wasaaradu waxay sheegtay in dadka laga helay cudurka ay 7 yihiin rag halka labo qof ay yihiin dumar
> Somaliland: 3
> Jubbaland: 3
> Puntland: 3
Guud tirada dadka laga helay cudurka Coronavirus ee Somaliya ayaa kor u dhaaftay Saddex kun oo qof, halka tirada dadka u dhintayna ay gaadhayaan 92 qof
HORSEEDMEDIA