Kismaayo: Gantaal xalay kusoo dhacay fariisin ciidan oo ay Al-shabaabku leeyihiin

Published: February 19, 2012

Gaantaal aan la ogeyn cidda soo riddey ayaa kusoo dhacay deegaan xeebeed ay Shabaabku fariisimo ciidan ku leeyihiin oo ku yaal meel u dhow magaalada Kismaayo kana durugsan masaafo aan badneyn oo ah qiyaastii 12km.

Mas’uul ka tirsan maamulada Jubbooyinka ee DKG ah ee Soomaaliya oo lagu magacaabo Maxamed Faarax ayaa Saxaafadda caalamiga ah arintan u xaqiijiyey wuxuuna isaga oo arintaas ka hadlaya yiri:

” Gantaal baa kusoo dhacay meel xeeb ah oo ay Mileeshiyada Shabaabku joogaan oo qiyaastii 12-km Kismaayo u jirta, balse garan mayno cidda gantaalkaas soo riddey”

Dhinaca kale qaar kamid ah dadka deegaanka oo iyaguna warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in wakhti danbe oo habeen nimadii xalay ah ay arkayeen iftiin xoogan oo ka baxayey goobta uu gantaalku kusoo dhacay.

” Qarax weyn buu ahaa, markii hore iftiin xoogan oo dhinaca badda kayimid ayaan aragnay, dusheenaya ayuu maray, ilbiriqsiyo kadibna waxaan maqalnay qarax aad u weyn” Cali Buule oo kamid ah dadka Kismaayo ku nool ayaa wakaaladda wararka ee Reuters u sheegay.

Gantaalkan oo sida loo badinayo ah mid ay soo rideen maraakiibta shisheeye ee ku sugan badaha Soomaaliya ayaa waxaa sidoo kale jira tuhun laga qabo in ay rideen diyaaradaha aan duuliyaha lahayn ee Maraykanka oo iyagu dhowr mar oo hore fariisimaha ciidan ee Mileeshiyada Al-shabaab u duqeeyey.

Mana jiro ilaa iyo hadda wax war ah oo arintaas ku aadan oo kasoo baxay dhinaca Al-shabaab lamana oga ilaa iyo hada in qarxa gantaalkaas ka dashay uu wax khasaare ah geystey iyo in kale.

Horseed Media