Kismaayo: Golaha ammaanka oo la horgeeyey qaraar dhoofka Dhuxusha looga mamnuucayo

Published: February 27, 2012

Golaha ammaanka ee qaramada midoobey ayaa todobaadkii tegey loo gudbiyey qaraar qabyo ah oo ku aadan sidii cunaqabatayn dhoofka dhuxusha ah loogu soo rogi lahaa magaalada dekedda ah ee Kismaayo iyo deegaanada kale ee ay Shabaabku ka arimiyaan.

Qaraarkan ayaa waxaa soo gudbiyey guddi gaar ah oo ay jamciyadda quruumaha ka dhexeysaa u saartay sidii ay il gaar ah ugu fiirn lahaayeen dhoofka dhuxusha ee gobolada Jubbooyinka iyo baaxadda dhaqaalaha kasoo xerooda.

Dowladda KMG ah ee Soomaaliya ayaa bishii Dec ee sanadkii hore golaha ammaanka ee QM horgeysey codsi ku aadan sidii cunaqabatayn dhoofka dhuxusha ah loogu soo rogi lahaa magaalada Kismaayo maadaama ay dhuxushu tahay isha 1-aad oo sida ay DKG ahi sheegtay uu Shabaabku dhaqaaluhu kasoo galo.

Guddiga madaxa banaan ee QM midoobey ay u saartay inay kasoo warbixyaan waxa ka jira in dhaqaalaha Al-shabaab uu yahay mid Dhuxusha ku xiran iyo in kale waxay sheegeen in DKG ahi ay gaabis ka tahay dhinaca dhoofka Dhuxusha haseyeeshee marka la eego dhinaca Al-shabaab ay tahay mid kamid ah ilaha ugu waaweyn ee uu dakhliga xoogani uga soo xeroodo.

Warbixinta ayaa dhinaca kale lagu sheegay in badan oo kamid ah ganacstada Soomaalidu inay daneeyaan dekedda magaalada Kismaayo maadaama ay cashuurteedu aad u yar tahay, dekedda Muqdisho waxaa warbixinta ku xusan in doomaha dhexe laga qaado lacag gaareysa ugu yaraan 1,300$ halka dekedda Kismaayo ay tahay 200$ keliya.

22-dii bishan aynu ku jirno ayey ahayd markii golaha ammaanku uu ansixiyey in la kordhiyo tirada ciidamada nabad ilaalinta u jooga Soomaaliya ee ku howlgala magaca AMISOM, waxayna hadii la meel mariyo cunaqabatayn dhoofka Dhuxusha laga saaro deegaanada Shabaabku joogaan ay taasi noqonaysaa mid dhaqaalahooda saameyn ku yeelata.

 

Horseed Media