Kooxo hubeysan oo dilay mid kamid ah ergadii soo dooratay Mahad Salaad

Published: June 13, 2022

Kooxo ku hubeysan Bistoolado ayaa maanta xaafadda Baar-Ubax ee degmada Howlwadaag ku dilay Nabadoon Warsame Ismaaciil, sida ay sheegeen dadka deegaanka.

Marxuumka ayaa la sheegay in toogasho lagu dilay, xilli uu kasoo baxay hoygiisa, kuna sii jeeday goobtiisa shaqada.

Nabadoonka la dilay ayaa ka mid ahaa ergadii soo dooratay xildhibaan Mahad Salaad oo dhowaan loo magacaabay taliyaha NISA.

Sidoo kale waxaa goobta gaaray ciidamo ka tirsan kuwa Booliska Soomaaliya oo baaritaano kooban ka sameeyey halkaasi.

Dilkan ayaa qayb ka noqonayo falalka ammaan darri ee inta badan ka dhacay magaalada Muqdisho.

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *