Kooxo hubeysan oo weeraray saldhigyada Militariga IRAN

Published: April 4, 2024

Maleeshiyada ka soo horjeeda dowlada Iran ayaa xalay weeraro isku mar ah ku qaaday saldhigyo militari oo ku yaala koonfur bari ee dalkaas, iyaga oo dilay shan ka mid ah ciidamada amaanka, sida ay sheegtay warbaahinta dowlada.

Alireza Marhamati, oo ah gudoomiye ku xigeenka gobolka Sistan-Baluchistan ee ay weeraradu ka dhaceen, ayaa dhacdada ku tilmaantay “Weerar Argagixiso” oo ay fuliyeen Jaish al-Adl (Ciidanka Cadaaladda), oo ah koox Sunni Muslim ah oo ka soo horjeeda Tehran.

Marhamati ayaa sidoo kale sheegay inuu xiriir ka dhexeeyo kooxdan iyo Israa’iil.

Jaish al-Adl, “oo xiriir la leh Sahyuuniyadda, ayaa sheegatay mas’uuliyadda weerarkan argagixisanimo,” ayuu ku yiri wareysi u siiyey wakaalada IRNA.

IRNA waxa ay sheegtay in kooxdu ay isku dayday, walow ay ku guulaysan wayday, in ay la wareegto saldhigyada ciidamada ilaalada kacaanka Islaamiga ah (IRGC) ee magaalooyinka Rask iyo Chabahar oo ka tirsan gobolka Sistan-Baluchistan.

Wakaalada wararka dowlada ee IRNA ayaa sheegtay in shan ka mid ah ciidamada amaanka iyo shan qof oo weerarka soo qaaday lagu dilay iska horimaadka.

Horseed Media