Ku-xigeenka Xoghayaha Guud Ee QM Oo La Kulantay Madaxda Dowlada Federaalka Iyo Dowlad Goboleedyada

Published: September 12, 2021

Raysal Wasaaraha xilgaarsiinta ee dowlada federaalka Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble iyo madaxda dowlad goboleedyada ayaa maanta kulan la qaatay wafdi sare oo ka socday Qaramada midoobay oo ay hoggaamineysay Ku-xigeenka Xoghayaha guud ee QM, Amina Jane Momamed.

Kulanka madaxda Golaha wadatashiga qaran iyo wafdiga Qaramada Midoobay ayaa looga hadlay arrimo ay ka mid yihiin horumarrada ka jira Soomaaliya, doorashooyinka, amniga dalka, horumarinta dhaqaalaha iyo arrimaha bulshada.

Madaxweynayaasha dowlad Goboleedyada Jubbaland, Puntland iyo Hirshabeelle ayaa aalada ZOOM-ka uga qeyb galay kulanka, halka madaxweynayaasha maamulada Koonfur Galbeed iyo Galmudug ay goobjoog ahaayeen kulanka ka dhacay Muqdisho.

Ku-xigeenka xoghayaha guud ee Qaramada Midoobey Aamina Jane Maxamed iyo wafdi ay hoggaamineysay ayaa sidoo kale horey ula kulmay madaxweynaha muddo xileedkiisa dhammaaday ee Maxamed Cabdullaahi Farmaajo.

Madaxweynaha iyo wafdiga Qaramada Midoobay ayaa ka wada hadlay arrimaha horumarinta bulshada (SDG), xoojinta xiriirka wada shaqeyneed ee Qaramada Midoobay iyo Soomaaliya, dhammeystirka doorashooyinka dalka, awoodsiinta siyaasadeed ee haweenka iyo sidii loo dardargelin lahaa howlaha hortebinta u leh shacabka Soomaaliyeed.

Horseed Media

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *