Kulan dhexmaray Wasiirada Maaliyadda iyo Ganacsiga ee Soomaaliya & Qatar

6 October, 2021

-Wasiirka Maaliyadda ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdiraxmaan Ducaale Beyle ayaa magaalada Doxa ee xarunta Dalka…

-Wasiirka Maaliyadda ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdiraxmaan Ducaale Beyle ayaa magaalada Doxa ee xarunta Dalka Qatar kula kulmay Wasiirka Ganacsiga, ahna ku simaha Wasiirka Maaliyadda Dowladda Qatar  Mr. Ali bin Ahmed Al-Kuwari, kaasi oo ay ka wada hadleen xoojinta xiriirka labada Wasaaraddood.

Sidoo kale kulanka ayaa diiradda lagu saaray arimaha dib-u-habeynta Maaliyadda Soomaaliya iyo xiriirka dhaqaale ee labada Dal oo aad u wanaagsan, maadaama dowladda Qatar ay ka midahay Dowladaha Soomaaliya ka taageera kabka miisaaniyadda Dowladda.

Wasiir Beyle ayaa yiri ‘Waxa aan maanta magaalada Doxa kula kulmay Wasiirka Ganacsiga, ahna kusimaha Wasiirka Maaliyadda Dowladda Qatar  Mr. Ali bin Ahmed Al-Kuwari, waxa aan ka wadahadalnay arimaha dib-u-habeynta Maaliyadda Soomaaliya iyo xiriirka dhaqaale ee labada Dal oo aad u wanaagsan”.

Horseed Media

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *