Kulanka Putin & Kim Jong Un iyo qorshaha iskaashiga militari

Published: September 13, 2023
Shares4

Madaxweynaha Ruushka Vladimir Putin iyo Hogaamiyaha Kuuriyada Waqooyi Kim Jong Un ayaa shir madaxeed ku yeelanaya xarunta Gantaalada Hawada Sare ee Vostochny Cosmodrome oo ku taal gobolka Amur ee bariga wadanka Ruushka.

Falanqeeyayaasha ayaa sheegaya in Ruushka uu aad u danaynayo in uu helo madaafiicda Kuuriyada Waqooyi xili uu culeys ka saaran yahay Ruushka dagaalka ka socda Ukraine, halka Kuuriyada Waqooyi ay u baahan tahay sahay cunto, shidaal iyo tignoolajiyada casriga ah ee militariga.

Ruushka ayaa si gaar ah u daneenaya rasaaata madaafiicda ay sameyso KW, halka Kim Jon UN dhankiisa rabo in Ruushka ka helo isgaarsiinta satellite-ka ee loo adeegsado hagida gantaalada ridada dheer ee Qaaradaha isaga goosha, tani oo ay halis u aragto xukuumada Maraykanka oo Ruushka uga digtay inay arrintan ku dhaqaaqdo.

Kuuriyada Waqooyi ayaa laba gantaal oo riddada gaaban ku ridday dhanka badda xeebteeda bari ka hor shir madaxeedka hoggaamiyeyaasha maanta oo Arbaca ah, taasi oo digniin u ahayd Maraykanka iyo xulafadiisa gobalka ee Kuuriyada Koonfureed iyo Japan.

Horseed Media