Kulankii Dhexmaray Madaxweynaha Jubbaland iyo Wafdiga Beesha Caalamka

Published: February 23, 2021

Madaxweynaha Dowlada Jubaland Mudane Axmed Maxamed Islaam ayaa Xarunta Madaxtooyada ku qaabilay wafdi heer caalami ah oo uu hogaaminayay Wakiilka gaarka ah ee Qaramada Midoobay u qaabilsan Soomaaliya Mr. James Swan.

Waxaa kale oo wafdigan kamid ahaa Wakiilka Midowga Yurub ee Soomaaliya Nicolás Berlanga Martínez iyo Safiirka Talyaaniga.

Masuuliyiintan ayaa yeeshay kulamo miro dhal ah iyadoo sidoo kale hab maqal Iyo muuqaal ah ay kaga qeyb galeen Safiirka Maraykanka u qaabilsan Soomaaliya Ambassador Yamamoto iyo Wakiilka Midowga Afrika Danjire Francisco Caetano Madeira.

Kulamadan ayaa diirada lagu saaray xaaladahii u danbeeyay ee Soomaaliya iyo arrimaha Doorashooyinka.

Jubbaland ayaa shan qodob ku xirtay inay ka qeyb gasho shirka Muqdisho ee lagu dhameystirayo heshiiskii 17 September, waxaana kamid ah qodobadaasi in dowlada Federaalka raali gelin ka bixiso weerarkii ciidanka dowlada la beegsadeen murashaxiinta Madaxweynaha iyo shacabka Muqdisho.

Horseed Media

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *