Kulankii Qoor Qoor iyo Golaha Wasiirada Galmudug ee Amniga looga hadlay

Published: October 8, 2021

Madaxweynaha Galmudug Axmed Qoor Qoor ayaa xalay kulan albaabadu u xiran yihiin la yeeshay Golihiisa Wasiirada, xili siyaasiyiinta Galmudug ay isku khilaafsan yihiin qaabkii loo wajihi lahaa Xoogaga Ahlusunna Waljamaaca oo dhawaan la wareegay gacan ku heynta magaalada Guriceel ee gobalka Galgaduud.

Kulankii xalay ayaa si gaar ah looga hadlay xaalada Amni iyo waliba Doorashada oo ay ka taagan tahay caqabado, sida Aqalka Sare oo labo kursi oo kamid ah weli la dhameystirin.

Arrintan ayaa waxaa usii dheer Iscasilaadii Wasiirka Amniga Galmudug Axmed Fiqi oo shalay shaaciyey inuu xilka isaga tagay kadib markii ay Qoor Qoor isku afgaran waayeen arrimaha Amniga.

War kasoo baxay Madaxtooyada Galmudug ayaa la sheegay in sadex qodob laga soo saaray shirkii xalay kuwaasi oo kala ahaa;

1. Goluhu wuxuu go’aamiyay in la dardargeliyo Suggida Amniga iyo xasiloonida Galmudug,

2. Goluhu wuxuu ugu baaqay kooxaha ku howlan falalka amni daro inay ka waantoobaan, damacoodana ay ku doonaan si nabad ah.

3. Goluhu wuxuu soo saaray in la dardargeliyo howlaha doorashooyinka iyadoo loo gudbiyay dhinacyada ay khuseyso si ay gutaan waajibaadkooda kaga aadan.

Wasiirkii Amniga Axmed Fiqi ayaa isagu ku dhaliilay Madaxweynaha Galmudug inuusan diirada saarin la dagaalanka kooxda Al Shabaab oo duulaan kusoo qaaday qeybo kamid ah koonfurta gobalka Mudug iyo Galgaduud, arrintaasi oo ay sidoo kale kooxda Ahlusuna Waljamacaa ku sheegtay inay ku khasabtay inay markale hubka qaataan.

Horseed Media

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *