Kulankii RW Rooble iyo Saraakiisha Amniga

Published: February 16, 2022

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Xuseen Rooble ayaa kulan deg deg ah isugu yeeray hay’adaha amniga dalka, kadib falalkii argagixisadu xalay ka geysteen qeybo ka mid ah Muqdisho, isagoo faray hay’adaha amnigu in ay qaadaan tallaabooyin dheeri ah oo lagu xoojinayo amniga.

Wasiirka Amniga Gudaha ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdullaahi Maxamed Nuur ayaa sheegay in Ra’iisul Wasaaraha Dalka uu warbixino ka dhageystay Hay’adaha Amniga, kaasi oo ku saabsan falalkii xalay ka dhacay Muqdisho.

Wasiirka Amniga ayaa xusay in Ra’iisul Wasaare Rooble uu hay’adaha Nabadgelyada faray inay xoojiyaan Nabadgelyada Caasimadda, lagana hortego cidkasta oo Amniga qalqalgelineysa.

Mudane Cabdullaahi Maxamed Nuur ayaa hoosta ka xariiqay in Hay’adda Ammaanku ay labo jibaari doonaan sugidda Nabadgelyada xiliga lagu guda jiro Doorashooyinka iyo bisha Barakeysan ee Ramadaan oo nagu soo tool leh, isagoo intaa ku daray in shacabka ay muujjyaan dulqaad ayna la shaqeeyaan Laamaha amniga.

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *