Kulankii Xildhibaannada Golaha Shacabka oo u baaqday kooram la’aan

Published: June 1, 2022

Xildhibaannada Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Soomaaliya oo maanta yeelan lahaa kulankoodii caadiga ahaa, ayaa baaqday sababo la xiriira kooram la’aan kadib markii ay soo xaadiri waayeen mudanayaasha.

Kulanka ayaa Ajandihiisu ahaa Akhrinta Xeer hoosaadka Golaha Shacabka sida ay horay guddoonka Golaha Shacabka ugu wargeliyeen Xildhibaannada & dhaarinta Xubno kamid noqonaya Guddiga Arrimaha Dastuurka.

Guddoomiyaha Golaha Shacabka Sheekh Aadan Maxamed Nuur Madoobe ayaa sheegay in Xildhibaanada badankood ay safaro ku maqanyihiin sidaasna uu ku baaqday Kulanka Golaha Shacabka, 

Sidoo kale Gudoomiyaha ayaa ugu baaqay inay Xildhibaannada dalka dibaddiisa ku maqan dalka dib ugu soo laabtaan.

Guddoomiyaha Golaha Shacabka wuxuu sheegay in Kulanka Maanta ka baaqday Xildhibaannada ay isusu imaan doonaan 12-ka Bishaan June, si ay u akhriyaan Xeer hoosaadka baarlamaanka sidoo kalena loogu dhaariyo laba kamid ah Guddiga Arrimaha Dastuurka.

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *