Kullan looga hadlay dhismaha Guddiga Gaadiidka Cirka oo Muqdisho lagu qabtay

Published: February 26, 2022

 Wasiirka Gaadiidka iyo duulista Hawadda Xukuumadda Soomaaliya Duran Axmed Faarax ayaa maanta shir gudoomiyay Shirka Aas-aasida Guddiga Gaadiidka Cirka kaas oo shaqooyin muhiim ah ka qabanaya Hawlaha horumarinta Duulimaadyada kala duwan ee dalka yimaada kana baxa.

Shirkaan ayaa waxaa ka qaybgalay Saraakiil ka socday Hay’adaha Duulista rayidka, socdaalka, Booliiska iyo Shirkadda Favori.

Guddigaan oo muhiimad weyn u leh hormarinta Adeegyada Duulimaadka Soomaaliya ayaa waxa uu fududayn doonaa wada shaqaynta ka dhaxaysa Hay’addaha ka howlgala Airport-yada Dalka, si looga baaqsado caqabadaha ay ka midka yihiin khatarta ka imaan karta xaga Amniga iyo dib u dhaca ku imaan kara wakhtiga ay rakaabku ka duulayaan Garoomada.

Wasiirka Gaadiidka Iyo duulista Hawadda ayaa sheegay in gudigaan muhiim weyn uu ugu fadhiyo Wasaaradda Gaadiidka, waxaana uu intaas raaciyay in hawlo badan ay horyaalaa masuuluyiinta Guddiga, isagoona gabogabdii shirka shahaadooyin gudoon siiyay xubnaha guddiga taas oo muujinaysa tababarka ay dhamaysteen.

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *