La-taliyaha Amniga Qaranka ee Soomaaliya oo beeniyey inuu Saraakiil TPLF ah la kulmay

Published: June 4, 2022

La-taliyaha Amniga Qaranka ee Madaxweynaha Soomaaliya Xuseen Macallin Maxamuud ayaa ka hadlay warar saacadihii la soo dhaafay baraha bulshada lagu hadal hayay.

Wararka ayaa sheegayay inuu saraakiil ka tirsan TPLF ee ka dhisan gobolka Tigray ee Waqooyiga dalka Ethiopia uu kula kulmay dalka Jabuuti.

La-taliye Xuseen Macalin ayaa qoraal uu ku daabacay bartiisa Twitter wuxuu ku sheegay ineysan waxba ka jirin wararkaasi.

Sidoo kale waxaa uu caddeeyay inuusan wali ka dhoofin Magaalada Muqdisho tan iyo markii loo magacaabay xilka 24-kii bishii hore ee May.

“Fadlan iska jira wararka beenta ah ee wareegaya Internet-ka. Kama safrin Muqdisho tan iyo markii la ii magacaabay La-taliyaha Amniga Qaranka ee Madaxweynaha Jamhuuriyadda federaalka Soomaaliya,” ayuu Xuseen Macallin ku yiri qoraalka.

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *