Laamaha amniga ee gobolka Mudug oo soo bandhigay gaari wadday walxaha qarxa

Published: August 9, 2022
Shares136

Laamaha amniga ee gobolka Mudug ee Puntland ayaa ku guuleystay qabashada Agab ka kooban walxaha qarxa iyo gaarigii wadday.

Guddoomiyaha gobolka Mudug, Faysal Sheekh Cali oo shir-guddoomiyay kulan deg-deg ah oo looga hadlayey Amniga ayaa sheegay in gaariga wadday walxaha qarxa lagu qabtay degmada Goldogob.

Sidoo kale Guddoomiyaha waxa uu xusay inay har iyo habeen Laamaha Amniga iyo Masuuliyiinta Gobolka u taagan yihiin la dagaalanka iyo ka hortaga falalka amniga kooxaha argagisixasada.

Ugu dambeyn Guddoomiyaha gobolka Mudug ayaa faray dhammaan laamaha amniga ee gobolkaasi inay heegan buuxa galaan, Isla markaana ay ka hortagaan waxkasta oo keeni Kara Amni darro iyo weerarada ay qorsheeyeen Al-Shabaab.

Horseed Media

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *