Laascaanood: Aabbe la diley wiilkiisa oo lagu wareejiyey Gacan ku dhiiglihii dilka geystay

Published: March 3, 2023
Shares10

Sadaam Xuseen Ducaale ayaa habeen hore magaalada Laascaanood kudiley marxuum lagu magacaabo Maxamed Cali Hiirad.

Gacan ku dhiiglaha oo la qabtay islamarkii uu faldanbiyeedka geystey ayaa maanta Isimada dhaqanka waxa ay ku wareejiyeen aabaha dhalay marxuumka dhintay.

Isimadda dhaqanka iyo Siyaasiinta gobalka Sool ayaa waxa ay isku raaceen in talaabo kasta oo la qaadayo u iyo midnimada ay tahay waxa ugu weyn ee la dhawrayaa.

Talaabadan ayaa ku aadeysa xilli 10-kii sanno ee lasoo dhaafay oo ay Somaliland maamuleysay magaalada Laascaanood, dad kor u dhaafaya 100 qof lagu dilay isla markaanna cidna loo heynin dilalka loo geystay.

Horseed Media