Lebanon: Dagaalka ka socda xerada qaxootiga Falastiin iyo dadaalo lagu fashilay

Published: August 1, 2023

Militariga dowlada Lubnaan ayaa xiray wadooyinka taga xerada qaxootiga Cayn-el-Hilwah isniintii shalay, kadib dagaal sadex maalin oo xariir ah socday.

Xeradan oo ku taal duleedka magaalada Sidon ee koonfurta Lubnaan ayaa hoy u ah 55-kun qaxootiga reer Falastiin, kuwaasi oo in badan oo kamid ah ka qaxayey deegaankaasi markii uu dagaalka qarxay sabtidii lasoo dhaafay.

Dagaalkan oo u dhaxeeya kooxaha hubeysan ee Falastiiniyiinta ayaa bilowday kadib isku day khaarajin mid kamid ah hogaamiyayaasha kooxahaas oo lagu magacaabo, Maxamuud Khalil.

Ugu yaraan 9 qof ayaa ku dhintay dagaalka, waxaana fashilay dadaalo xabad joojin ah oo ay wadeen odayaasha Falastiiniyiinta iyo waliba xubno ka socda Lubnaan.

Qaramada Midoobay ayaa sheegtay inay joojisay hawlihii ay ka waday xerada, xili kumanaan rayid ah ku xaniban yihiin goobta dagaalka ka socdo.

Horseed Media