Liibiya: Gargaar gaaray Derna iyo Qaramada Midoobay oo xaqiijisay dhimashada daadadka gaareyso ugu-yaraan 11,300

Published: September 17, 2023

Toddobaad ka dib markii daadka qaaday bartamaha magaalada xeebta ku taal ee Derna ee dalka Liibiya, waxaa sii kordheysa tiradda dhimashada, maanta oo Axad ah waxaa hawlgalada ugu muhiimsan diirada lagu saaraya daryeelka dadka ka badbaaday masiibada.

Tiradda dhimashada ee ugu dambeysay ee rasmiga ah ee uu sheegay wasiirkii caafimaadka ee maamulka fadhigiisu yahay bariga Liibiya, Othman Abdeljalil, ayaa ah 3,166 qof.

Laakiin sida lagu sheegay warbixin ay Qaramada Midoobay soo saartay maanta oo Axad ah, khasaaraha dhimashada magaalada Derna oo keliya ayaa gaadhaysa 11,300 oo qof.

Isagoo soo xiganayay Bisha Cas ee Liibiya, Xafiiska Qaramada Midoobay ee isku xirka arrimaha bini’aadantinimada ayaa intaas ku daray in 10,100 oo kale lagu la’yahay magaalada burbursan.

“Tirooyinkan ayaa la filayaa inay kor u kacaan maalmaha iyo toddobaadyada soo socda iyadoo shaqaalaha goobidda iyo samatabbixinta ay si aan daal lahayn ugu shaqeeyaan sidii ay u heli lahaayeen dadka badbaaday,” ayaa lagu yiri warbixinta OCHA.

Gargaarka ayaa hadda soo gaaraya dalka Liibiya iyadoo dunidu ay isu diyaarinayso sidii ay gacan uga geysan lahayd dhibaatada ka dhalatay daadadkii dhimashada badnaa.

Horseed Media