Maamulka Gaas raad caynkee ah ayuu ku reebi doonaa xiriirka Puntland & Deeq-Bixiyayaasha Caalamka?

Published: September 23, 2018

Dowlada Puntland gaar ahaan xafiiska Madaxweynaha Puntland Dr.Cabdiweli Gaas ayaa loo aaneenayaa burburka ku yimid Mashaariicdii ugu waaweyneyd ee la qorsheeyey in laga fuliyo deegaanada Puntland, taasi oo ay usii dheertahay khibrad yari lagu eedeenayo xubnaha ka shaqeeya xafiiska Madaxweynaha oo qoraalo aan la mahdin u kala dira hay`adaha iyo Dowladaha deeqda ku bixiya mashaariicdii ka socotay deegaanka Puntland.

Waxaa maanta oo Axad ah xilkii iska casilay Wasiirkii Deegaanka & Isbedelka Cimiladda Dowladda Puntland Dr.Cali Cabdulaaji Warsame oo isaguna sheegay in si weyn loo musuq maasuq mashaariicdii dalka oo dhamaantood la hoos geeyey Madaxtooyada.

Mashaariicda waaweyn ee fashilay ayey ugu danbeeyeen mashruucii dib u dhiska wadada Gaalkacyo – Garowe oo ay bixisay lacagteeda dowlada Jarmalka (Germany) & EU-da oo loo soo mariyey hay`ada GIZ iyo Masharuuca kale ee Abaaraha iyo u diyaar garowga bulshada ee Isbeddelka Cimilada oo lagu dhisayey biyo-xireeno laga hirgelin lahaa gobalada Mudug iyo Nugaal, masharuucaasi ayaa waxaa sidoo kale bixiyey dowlada Germany.

Dowlada Germany ayaa ah midda ugu weyn ee bixisa dhaqaalaha horumarinta ee Sanduukha Midowga Yurub oo maal geliya mashaariic badan oo laga fuliyo guud ahaan dalka Soomaaliya.

Xukuumada Gaas ayaa dhawaan soo saartay Qoraal lagu qoray Luuqada Ingiriiska oo loo arkey inuu sii xumeeyey xiriirkii Puntland iyo wadanka Germany oo ahaa kii ugu weynaa ee ku deeqay lacagta ugu badan ee lagu hirgelin lahaa mashaariicda horumarinta ee Puntland.

Qoraal kasoo baxay Xafiiska Madaxweyne Gaas 13kii bishan September oo ay ku jiraan erayo badan oo khaldan ayaa ahaa mid aan cidna ku saxiixneyn isla markaana ay si la yaableh dowlada Gaas uga jawaabtay fadeexadii iyo fashilkii ku yimid Mashruucii Dayactirka Laamiga Garowe – Gaalkacyo oo ay hay`ada GIZ joojisay.

Sida ka muuqata qoraalkan Xafiiska Gaas ayaaba si cad loogu inkiray in wadanka Germany uu bixiyey deeqda ugu badan ee mashruuca la joojiyey ee wadada Garowe-Gaalkacyo, isla markaana ku dooday in ay inta badan lacagaha ka yimaadeen Midowga Yurub!

Xafiiska Gaas ayaa u muuqda inuu doonayo in labo u kala saaro dowlada Germany oo ah tan deeqda ugu badan ku bixiyey Sanduukha horumarinta EU-da iyo Midowga Yurub guud ahaan, qoraalkan oo laga dheehan karo jahwareerka ka jira xafiisyada Madaxtooyada Garowe ee la hoos geeyey mashaariicda Puntland.

Waxaa taasi usii dheer Xafiiska Madaxtooyada wuxuusan illaa iyo hada soo hadal qaadin eedeyntii loo soo jeediyey oo ahayd in la musuq-maasuqay mashruuca wadada iyo waliba Dhismaha & Tayada wadada inta hada la sameeyey oo ay hay`ada GIZ sheegtay inaysan ahayn mid u qalanta dhaqaalihii lagu bixiyey mashruucan. Injineerada ka socday GIZ ayaa horey u sheegay in qaabka ciida loo dhigay ee wajiga kowaad ee masharuuca wadada oo ah inta u dhaxeysa Jalam-Xarfo ay tahay mid tayadeedu liidato.

Dowlada Germany ayaa marka laga yimaado mashariicda hada fashilay waxay sidoo kale ugu deeqday Puntland mashruuca sadex sano soconaya 2017-2019 oo ay ku baxeyso dhaqaale ka badan $31 milyan dollar oo ah horumarinta adeegyada Caafimaadka ee gobalada Puntland.

In badan oo kamid ah shacabka Puntland ayaa is weydiinayaa xigmada ka danbeysa qaabka qalafsan oo ay Xukuumada Gaas ulla dhaqantay dalka deeqda ugu badan siiya iyo saameynta ay mustaqbalka ku yeelan doonto mashaariicda ay deegaanada Puntland ka heli jireen dalalka deeq-bixiyaasha ah.

Maxamed Cismaan
Horseed Media

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *