Macron oo Cunaqabateyn ugu hanjabay Siyaasiyiinta wadanka Lubnaan

Published: September 2, 2020

Madaxweynaha France Emmanuel Macron oo booqashadii labaad ku tagay magaalada Beyruut ee musiibada ka dhacday ayaa digniin siiyey siyaasiyiinta Wadanka Lubnaan, isagoo ka codsaday madaxda dalkaasi inay labo arrin kala doortaan!

Macron oo habeenkii Salaasada tagay caasimada Lubnaan ee Beyruut ayaa tan iyo shalay kulamo lahaa madaxda dalkaasi oo usoo bandhigay inay qaataan labo go’aan midkood;

  1. Xaliya Khilaafka iyo musuq maasuqa dhexdiina ah, waxaana balanqaadeynaa deeq dib loogu dhiso dalka Lubnaan.
  2. Kusii socda wadada khilaafka waxaana balan qaadaynaa in gebi ahaan la joojiyo deeqda, isla markaana cunaqabateyn toos ah la saaro siyaasiyiinta wadankaasi ka degi waayey.

Labadan go’aan oo uu Madaxweynaha Faransiiska hordhigay madaxda Lubnaan ayaa ah hanjabaadii ugu danbeysay ee uu Macron la beegsado madaxda dowlada Lubnaan.

Madaxweynaha France ayaa yiri “…Maaheyn inaan halkaan u imid inaan idiin hanjabo balse waxaan u imid dib u dhiska Lubnaan…” mar uu la hadlayey madaxda dalkaasi oo xalay casho sharaf u sameeyey.

Wuxuu Macron balan qaaday inuu qaban qaabin doono shirweyne deeq loogu aruurinayo wadanka Lubnaan dhamaadka bisha soo socota ee Oktoober, isagoo hada cadaadis ku saaraya kooxaha siyaasada wadankaasi isku heysta inay xaliyaan khilaafka hareeryey hay’adaha dowliga ah iyo musuq maasuqa dalkaasi ka jira.

4tii Agoosto ayey ahayd maalintii qaraxa weyn uu ka dhacay dekada magaalada Beyruut oo ahayd ishii dhaqaalaha wadankaasi, khasaaraha qaraxan ka dhashay ayaa gebi ahaan wada gaaray caasimada Beyruut oo ah magaalada ay ku nool yihiin dadka ugu badan wadankaasi, waxaana la sheegay inay ku baro-kaceen dad ka badan 300 kun oo qof.

Shacabka Lubnaan gaar ahaan tujaarta iyo aqoonyahanada ayaa in badan oo kamid ah hada bilaabay inay ka tagaan wadankooda hooyo.

Hanad Askar
Horseed Media

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *