Madasha Xisbiyada Oo Ka Digay Qodobka 53aad ee Sharciga Doorashooyinka Federaalka

Published: December 28, 2019

Xildhibaanada barlamaanka federaalka ayaa maanta oo sabti ah ka doodaday sharciga doorashooyinka federaalka kaasi oo madasha xisbiyada qaran ee Muqdisho ay dhaliileen

Madasha xisbiyada qaran oo ay hoggaamiyaan madaxweynayaashii hore ee Somaliya Xasan shiikh iyo Sheekh shariif ayaa dhaliilay qodob ka mid ah sharciga doorashada oo ay sheegeen inuu jidaynayo in muddo kororsi loo samayn karo xukuumada haddii doorashadu xiligeeda ku dhici waydo

“qodobka 53-aad ee tilmaamaya muddo kororsi aan xad laheyn, ayadoo doodii xildhibaanada ee sharcigu marka ay socotay waxa ay ka yiraahdeen qodobkaas aan waxba laga tixgelin, arrintaasina ay keenayso in dalka loo horseedayo qalalaase siyaasadeed oo khatar gelin kara nidaamka dawladnimada dalka ee xukunka loogu kala wareegi jirey xilliyadii la soo dhaafay si nabad ah” ayaa lagu sheegay qoraal ka soo baxay madasha Xisbiyada

Madashan ayaa waxaa ku midoobay Ururo siyaasadeed oo fadhigoodu yahay magaaladda Muqdisho waxaana hoggaamiya madaxweynihii hore ee dowladda federaalka Sheekh shariif Sheekh Axmed.

Dhinaca kale Sharciga doorashada ee barlamaanka horyaal ayaa waxaa sidoo kale ka horyimid madaxweynaha Puntland Siciid cabdullaahi Deni

HORSEEDMEDIA

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *