Madasha Xisbiyada Qaran oo samaysay gudigga Gurmadka Fatahaadaha.

Published: November 5, 2019

Madasha ay ku midaysan yihiin xisbiyadda Qaran ayaa samaysan gudi ay ugu magacdareen gudigga gurmadka fatahaadaha kaas oo ka shaqaynaya sidii caawimaad loo gaarsiin lahaa dadka ku waxyeeloobay fatahaadaha webiyada ee ka dhacay magaalooyinka Beledwayne iyo deeegaanada kale.


Guddoomiyaha Madasha ay ku midaysan yihiin Xisbiyada Madasha Xisbiyada Qaranka Sheekh Shariif Sheekh Axmed oo hoggaaminaya mas’uuliyiin ka tirsan xisbiyada ayaa maanta lagu waddaa in ay gaaraan magaalada Beledwayne.


Wefdiga Sheikh Shariif ayaa halkaasi geyn doona gurmad loogu tala-galay dadka ay saamaysay fatahaadda Webiga Shabeelle ka sameeyay gudaha iyo nawaaxiga magaalada Beledweyne ee xarunta gobolka Hiiraan waxaana sidoo kale ay kormeer qiimeyn ah ku sameyn doonaan xaaladda dadkaasi.

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *