Madaxda dhaqanka Awdal oo isku raacay in ay Itoobiya ka difaacdaan xeebahooda

Published: March 1, 2024

Odayaasha dhaqanka  ee Gobolka Awdal, gaar ahaan kuwa dega magaalada lug-haya ayaa isku raacay in meel looga soo wada-jeesto damaca Ethiopia ee ah in ay dekad ka sameysato xeebaha deegaanadaasi.

Odayaasha dhaqanka ee gobolkaasi ayaa xusay in ay muqadas tahay difaaca iyo ilaalinta midnimada dhuleed ee Soomaaliya.

Hoggaamiyaasha dhaqanka ee gobolka Awdal waxa ay  ku baaqeen in loo diyaar garoobo difaaca badda Soomaaliya, isla markaana laga hortago damaca xun ee Itoobiya.

Hadaladaan ka soo yeeray odoyaasha dhaqanka ayaa dabasocda kulan aad u ballaaran oo ka dhacay xeebta Lug-haya, kaas oo ay isugu tageen qeybaha bulshada sida odoyaasha dhaqanka, ganacsato, culuma’udiin, haween, dhallinyaro iyo waxgarad kale.