Madaxda Galmudug oo Ahlu-Sunah ku eedayay dagaalkii ka dhacay Dhuusa-mareeb.

Published: February 28, 2020

War-Saxaafadeed ka soo baxay Xafiiska Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Galmudug Axmed Cabdi Kaariye (Qoor Qoor) ayaa lagu faahfaahiyay iska horimaad xalay ka dhacay magaalada Dhuusamareeb ee xarunta maamulka Galmudug Madaxda Galmudug ayaa ahlu-sunah ku eedaysay dagaalkii xalay ka dhacay Galmudug.Qoraalka ayaa lagu sheegay in gaari ciidan oo ay leeyihiin hoggaanka Ahlusnna uu rasaas ku furay Koontorool ay ku sugnaayeen ciidanka dowladda. Sidoo kale war saxaafeedka ayaa lagu sheegay in Xarunta Inji oo ay degan yihiin Hoggaanka Ahlusunna ay maalmahaan ka socdaan arrimo xaalad abuur ah.

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *