Madaxda Sare ee dowladda Federaalka oo kulan ka yeeshay dhacdadii Bosaso

Published: July 13, 2022
Madaxweyne Xasan Sheekh iyo Ra’iisul wasaare Xamse cabdi Barre

Madaxweynaha dowladda federaalka Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud iyo Ra’iisul wasaare Xamse Cabdi Barre oo xalan kulan ku yeeshay Villa Soomaaliya ayaa ka wada-hadlay dhacdadii magaalada Boosaaso ee ka dhalatay is hortaaggii lagu sameeyey xildhibaan Sacdiya Yaasiin Xaaji Samatar oo gurmad u waday magaaladaasi.

Kulankan oo ay goobjoog aheyd Xildhibaan Sacdiya oo ah guddoomiye ku xigeenka koowaad ee Golaha Shacabka waxaa looga hadlay sidii loo qaboojin lahaa xiisaddaasi, waxaana madaxdu ay sidoo kale baajiyeen shir jaraa’id oo ay qaban laheyd Marwo Sacdiya.

Sidoo kale Madaxda DFS ayaa xiriir toos ah la sameeyey Madaxweynaha Puntland Saciid Deni oo haatan ku dalka dibadiisa, waxayna kala hadleen dajinta xiisadda haatan ka jirta magaalada Boosaaso.

Wararka qaar ayaa sheegaya in Madaxweynaha iyo Ra’iisul wasaaraha ay ka dalbadeen inuu deg deg dalka ugu soo laabto, kadibnka la’isugu tego magaalada Garoowe.

Waa dagaalkii labaad ee ka dhaca Magaalada Boosaaso ee Gobolka Bari inta uu xilka haayo Madaxweynaha Puntland Saciid Cabdullaahi Deni, kaas oo geysta khasaaro dhimasho iyo dhaawac ah oo aad u farabadan.

Horseed Media

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *