Madaxda Shirkadda Jubba Airways oo beeniyay in shatigii lagala noqday

Published: October 8, 2019
Jubba Airways

Shirkadda duulimaadyada ee Jubba Airways ayaa beenisay in dowladda Soomaaliya ay kala noqotay shatigii ama ruqsadii duulimaad ee gobalada dalka.

Qaar kamid ah Tv-yada iyo idaacadaha Muqdisho ayaa baahiyay in ruqsadii lagala noqday shirkada, kadib markii diyaarad ay leedahay gaartay ay jabisay goÔÇÖaankii dowladda ee ahaa in diyaaradaha Kismaayo aadaya ay soo maraan magaalada Muqdisho.

MasÔÇÖuul katirsan xafiiska shirkadda Jubba Airways qaybta Muqdisho ayaa beeniyay inay waxba kama jiraan yihiin wararka sheegaya ” In Shirkada lagala noqday shatigii duulimaad ee gobalada Soomaaliya” .

Diyaaradii waday siyaasiyiinta ee gaartay Kismaayo ayaa la sheegay iney ku duushay ruqsadda Jubba Airways, iyadoo aysan wadin duuliyayaashii shirkadda, isla markaana aysan shirkaddu ka war hayn.

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *