Madaxeynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi oo cafis u fidiyey 554 oo maxbuus

Published: April 23, 2023

Madaxweynaha Somaliland, Muuse Biixi Cabdi ayaa wareegto madaxweyne Cafis Guud ugu fidiyey Maxaabiista dembiyada fudud ku xukuman ee xabsiyada Somaliland ku xiran.

Madaxeynaha Somaliland ayaa munaasibadda Ciiddul Fidrida awgeed waxaa uu cafiskan u fidiyey 554 (Shan Boqol iyo Afar iyo Konton) maxbuus.

Wareegtada Madaxweynaha ayaa lagu sheegay in cafiskan uu fulinayo Xafiiska Xeer Ilaaliyaha Guud ee Somaliland.

Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi ayaa munaasabadaha ciidaha waxaa cafis u fidiyaa maxaabiista u xiran dambiyada fudud ee ku jira xabsiyada Somaliland.

Horseed Media