Madaxweyaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi oo gudoomiye cusub u magacaabay gobolka Sool

Published: May 11, 2023

Madaxweyaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi, ayaa magacaabay wasiirka maalgashiga Somaliland iyo gudoomiayaha gobolka Sool, halka gudoomiyihii gobolka Gabilay uu xilkii ka qaaday.

Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi ayaa Wasiirka Cusub ee maalgashiga Somaliland u magacaabay Cabdi Cismaan Dhaga-weyne.

Sidoo kale waxa uu goddoomiyaha cusub ee gobolka Sool u magacaabay Cabdikariim Siciid Aw Cabdi, waxa uuna kamid yahay ganacatada qaadka.

Guddoomiyihii gobolka Sool Cabdikariin Aadan Xaaji ayaa isna loo badalay Galibay, waxaana xilkiisii waayay guddoomiyii hore ee Gabilay Cabdiqani Maxamuud Jiidhe.

Horseed Media