Madaxweye Muuse Biixi oo xil ka qaadis & magacaabis ku sameeyay qaar kamid ah wasiirada xukuumadiisa

Published: January 4, 2023

Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi ayaa isku badal, xil ka qaadis iyo magacaabis ku sameeyay qaar kamid ah wasiirada xukuumadiisa.

Madaxweynaha ayaa xilkii ka qaaday Wasiirkii Howlaha Guud iyo Guryaynta Somaliland Cabdillaahi Abokor Cismaan, isaga oo xilka wasiirnimo u magacabaay wasiirkii wasaarada shaqo-galinta iyo arrimaha bulshada Mustafe Maxamuud Cali Bile (Godane).

Sidoo kale Madaxweyne Muuse Bixii Cabdi ayaa Wasaaradda Shaqo-gelinta, Arrimaha Bulshada Somaliland ee uu Mustafe Maxamuud Cali Bile (Godane) ka badalay, u magacaabay maareeyihii hore ee Dekeda Berbera Cali Cumar Maxamed (Cali Xoor-xoor).

Horseed Media