Madaxweynah Puntland oo gaaray degmada Qandala

Published: January 9, 2017

Wafdi ballaaran oo uu hogaminayo madaxweynaha Puntland-Soomaaliya Dr. Cabdweli Maxamad Cali Gaas ayaa gaaray degmada Qandala ee gobolka Bari.

Madaxwynaha ayaa ku socdaalay safar dhinaca badda ah, kaasi oo qaatay in ka badan seddex saac.

Safarka madaxweynaha Puntland ee degmada Qandala ayaa ah mid uu ugu kuur galayo xaaladda degmada, maadama dhawaan degmadaasi ay Puntland dib ugala wareegtay maleeshiyo taabacsan ururka Daacish.

Dr.Cabdiweli Maxamad Cali Gaas ayaa la kulmay saraakiisha ciidanka ee ku sugan degmadaasi, isla markaana kormeeray goobaha muhiimka ah ee degmada

Madaxweynaha Puntland Dr.Cabdiweli Maxamad Cali Gaas oo la hadlay laanta Af-ka Soomaaliga ee VOA-da ayaa sheegay in magaalada ay tahay mid degan shacabkiina qaarkood ay dib ugu soo laabteen

Dr Gaas ayaa weli ku sugan degmada Qandala,

Horseed Media 2017.

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *