Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Jubbaland oo Shir Gudoomiyay Kulanka Golaha Wasiirada

Published: February 16, 2017

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Jubbaland Mudane Axmed Maxamed Islaam ayaa Maanta oo Khamiis ah Shir Gudoomiyay Kulanka Todobaad`laha ah ee Golaha Xukuumada Jubbaland.

Ahandayaasha Shirka Wasiirada oo kala duwan ayaa Madasha laga Akhriyay iyadoo mid mid loo guda galay si gaar ah waxay Golahu ku aad uga hadleen Xaaladaha ka dhashay abaaraha ba`an ee ka jira qaybo badan oo kamid ah deeganada Jubbaland.

Ugu horayn Madaxweynaha Dowlada Jubbaland ayaa Golaha uga xog waramay halka ay marayso Siyaasada Dalka iyo isbadalkii ku yimid hogaanka Dowlada Federaalka ah ee Soomaaliya isagoo xusay in uu rajaynayo in wax badan oo wanaag ah ay samayso Dowlada Cusub ayna ka faa”iidaysato rabitaanka dadweynaha.

Madaxweyne Axmed Maxamed Islaam wuxuu hoosta ka xariiqay in shacabka Soomaaliyeed ay tahay cida laga sugayo in ay dalkooda ka dhigaan mid leh nabgalyo iyo Cadaalad oo Dowlada kaliyah ayna waxba qaban Karin shacabka la`aantii.

Arimaha amaanka ayuu Madaxweynahu xusay in Hay`adaha amaanku ay si aad ah u hawlgalaan taas oo sababtay in Nabadgalyada Magaalooyinka xorta ah ee Jubbaland ay noqdeen mid buuxda oo la isku halayn karo.

Arimaha abaaraha ayay Golaha Xukuumadu isla soo qaadeen halka ay marayaan ilaa hada gurmadka loo sameeyay dadka dhibaataysan iyadoo kulanka lagu soo gudbiyay in gudiga abaaraha Jubbaland lagu wareejiyay lacag ka timid gudiga abaaraha heer qaran taas oo dadka loogu gurmanayo.

Dhinaca kale Golahu waxay meel mariyeen in aan Magaalooyinka Jubbaland ay maamusho aan lagu wadan Karin baabuurta bacaha madow leh si ayna uga dhalan khataro dhinaca amaanka ah.

Faafin Horseed Media

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *