Madaxweynaha Galmudug oo kormeeray deegaanka Bacaadweyne

Published: July 22, 2021

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Galmudug Mudane Axmed Cabdi Kaariye oo maanta gaaray Koonfurta Gobolka Mudug ayaa caawa ku hoyanaya magaalada Bacaadweyne

Safarka Madaxweynaha Galmudug uu maanta ku tegay Bacaadweyne oo ka mid ah goobihii dhawaan laga saaray Maleeshiyaadka Al Shabaab ayaa salka ku haya Howlgallada Nabad diidka looga looga saarayo Koonfurta Mudug

Madaxweynaha Galmudug Axmed Cabdi Kaariye ayaa Bacaadweyne waxaa ku soo dhaweeyay Senator Cabdi Xasan Cawaale qeybdiid, Taliyaha Ciidanka dhulka Jeneraal Maxamed Tahliil Biixi, Wasiirka Amniga Galmudug Axmed Macalin Fiqi iyo saraakiil kale

Mudane Axmed Cabdi Kaariye ayaa caawa kulamo la qaadanaya Saraakiisha iyo Mas’uuliyiinta kale oo uu kala hadlayo Ciribtirka Maleeshiyaadka Al-Shabaab.

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *