Madaxweynaha Galmudug Oo La Kulmay Danjiraha Midowga Yurub

Published: September 13, 2021

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Galmudug Axmed Cabdi Kaariye ayaa maanta magaalada Muqdisho kula kulmay Danjiraha cusub ee Midowga Yurub u qaabilsan Soomaaliya Ms. Tiina Intelmann.

Kulanka labada mas’uul ayaa waxaa looga hadlay arrimo dhowr ah oo ku aaddan marxaladda siyaasadeed ee uu dalka marayo, gaar ahaan arrimaha taagan.

Waxayna Madaxweynaha iyo Danjiraha si gaar ah uga wada hadleen xaaladda guud ee dalka gaar ahaan arrimaha doorashooyinka iyo amniga iyo sidii sare loogu qaadi lahaa taageerada iyo mashaariicda Midowga Yurub ay ka wadaan deegaanada Galmudug.

Madaxweynaha maamulka Galmudug Axmed Cabdi Kaariye Qoorqoor ayaa ku sugan magaalada Muqdisho, waxaana uu qayb ka yahay mas’uuliyiinta ku howlan sidii loo dhammeyn lahaa khilaafka xooggan ee kasoo dhex Cusboonaada Madaxweyne farmaajo iyo Ra’isul Wasaare Maxamed Xuseen Rooble.

Horseed Media

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *