Madaxweynaha Galmudug Oo La Kulmay Safiirka Midowga Yurub

Published: December 3, 2020

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Galmudug Axmed Cabdi Kaariye ayaa maanta Muqdishu kula kulmay Safiirka Midowga Yurub u fadhiya Soomaaliya Danjire Nicolas Barlenge.

Madaxweynaha iyo danjiraha ayaa iska xog wareystay arrimo dhowr ah oo ay ka mid yihiin doorashada dalka, ahmiyadaha Galmudugta cusub iyo mashaariicda horumarineed ee Midowga Yurub ka wadaan Galmudug.

Madaxweynaha ayaa ka mahadceliyay taageerada joogtada ah ee Midowga Yurub la garab taaganyihiin Soomaaliya.

Danjiraha ayaa ugu danbeyntii ballanqaaday in ay sii joogteyn doonaan garab istaagga Dowladda Soomaaliya iyo waliba tan Galmudug isagoona sheegay in ay dardargelin doonaan howlaha socda.

Horseed Media

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *