Madaxweynaha Hir-Shabeelle oo shir guddoomiyay kulan looga hadlay amniga Beledweyne

Published: February 7, 2022

Madaxweynaha dowlad goboleedka HirShabeelle Cali Guudlaawe Xuseen ayaa shir guddoomiyay kulan looga hadlay amniga oo maanta ka dhacay Magaalada Beledweyne ee gobolka Hiiraan.

Wasiirka Amniga Hir-Shabeelle, Maamulka Gobolka Hiiraan, Saraakiisha qeybta 27-aad ee xoogga dalka, Xeer ilaaliyaha Maxkamadda Ciidamada qeybta 27-aad, Saraakiisha Booliska, Nabad Sugidda iyo hoggaanka Ciidanka AMISOM ee Beledweyne ku sugan ayaa ka qeyb galay kulan kaas.

“Madaxweynaha ayaa faray Saraakiisha Hay’addaha Amniga inay xoojiyaan amniga guud ee deegaanada Hirshabeelle gaar ahaan Magaalada Beledweyne oo ay ka dhacayaan doorashooyin Golaha Shacabka,” ayuu yiri Madaxweynaha Cali Guudlaawe Xuseen.

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *