Madaxweynaha Hirshabeelle iyo Dhamaan Gollaha Wasiirada oo iskarantiilay

Published: April 13, 2020

kadib markii uu xanuunka Coronavirus u geeriyooday Wasiiru Dowlihii Wasaaradda Cadaaladda Hirshaballe kana mid ahaa Xildhibaanada Baarlamaanka Khaliif Muumin  ayaa dhammaan xubnaha dowladda maamulka Hirshabelle waxaa la galiyay Karantiil.

Madaxweynaha Hirshabelle Maxamed Cabdi Awaare iyo xubnaha gollaha wasiiradiisa ayaa muddo labo toddobaad ah waxay galeen karantiil iyagoon cidna la kulmi doonin mudadaas.

Qoraal uu bartiisa twitterka dhigay madaxweynaha Hirshabelle wuxuu sheegay inuu caafimaad qabo, laakiin uu go’aansaday inuu qaado tallaabadan si dadka kale ugu noqdo tusaale lagu daydo

“”Ilaahay unbaan xanuunsanun. Laakiin anigu waan fiicanahay Waxaan doorbiday inaan kaligey iskarantiilo ilaa isbuucii lasoo dhaafay, anigoo is hubinaya sidoo kalena tusaale u noqonaya dadkeyga” ayuu yiri madaxweyne Awaare

Wasiirka Caafimaadka ee Hirhabelle Cabdi Macallim Maxamed oo la hadlay laanta afka Somaliga ee BBC wuxuu sheegay in xubin kasta oo ka mid ah xukuumadda Hirshabelle ay isku karantiishay halka ay ku sugan tahay ka dib markii uu wasiir u dhintay xanuunka Coronavirus

“”Maadaama wasiirku uu xildhibanana ahaa, shaqooyin badanna ay socdeen, oo shirar baarlamaanka iyo golaha wasiirrada ah ay socdeen, dad badanna uu la kulmay, hoteelkana uu dagganaa, ayaa markii isaga laga helay iyo ka horba markii lasoo qaaday waxaa qof walba lagu wacyi galiyay inuu ku sugnaado meesha uu hadda joogo ku sugnaado muddo 14 cisho ah” ayuu yiri Wasiirku

KIISASKA COVID-19 EE Somaliya

Wasiirka Caafimaadka iyo daryeelka bulshada xukuumadda federaalka Soomaaliya, Fowsiya Abiikar Nuur, oo ka war bixisay xaaladihii ugu dambeeyay ee COVID-19, ayaa xaqiijisay in baaritaan la sameeyay lagu caddeeyay in cudurka Corona uu soo ritay 4 qof ku nool magaalada Muqdisho, taas oo 25 ruux ka dhigaysa tirada guud ee dadka cudurku ku heleelay gudaha dalka.

Wasiiradu waxay sheegtay in xanuunka Coronana uu Cusbitaalka Martino ee Muqdisho ugu geeryooday Wasiiru dowlihii cadaaladda ee dowlad goboleedka Hirshabeelle Xildhibaan Khaliif Muumin Xaayoow.

Allaha u naxariistee Marxuum Khaliif Muumin Xaayoow oo da’diisu ahayd 63 jir ayaa isbitaalka la jiifiyay April 09, 2020, si xaaladdiisa caafimaad wax looga qabto.

Wasaaradda Caafimaadku waxay ugu baaqday dadka inay guryahooda joogaan hadii aysan jirin arrimo muhiim u ah nolosha, dadkuna kala fogaadaan ugu yaraan laba mitir, taxadar gaar ahna la siiyo dadka da’da ah iyo dadka cudurada daba dheeraada qaba.

SOMALILAND.

Cumar Cali Cabdullaahi Wasiirka Horumarinta Caafimaadka Somaliland ayaa shaaciyay in saddex bukaan oo cusub laga helay xannuunka Covid-19, kuwaas oo labo kamid ah ay ku noolyihiin magaalada Caasimada ah ee Hargaysa halka bukaanka kalena uu ku sugan yahay magaalada Boorama ee xarunta gobolka Awdal.

Wasiir Cumar ayaa sheegay in saddexdaan qof oo kamid ahaa afar iyo labaatan qof oo baaritaan loo diray, ay hadda xaaladooda caafimaad wanaagsan tahay. laba kiis oo la xiraar Covid-19 ayaa horay looga xaqiijiyay Somaliland taas oo tira dadka laga helay xanuunkaan ee ku nool Somaliland ka dhigaysa 5 qof.

PUNTLAND

Guddiga Wacygelinta iyo Ka hortagga Coronavirus ee Dowladda Puntland waxaa uu maanta kulan la qaatay Culimada Puntland, waxayna kala hadleen sidii ay uga qayb qaadan lahaayeen Wacygelinta iyo Ka hortagga Covid-19.

Guddiga dowladda iyo Culimadu waxay isla garteen: 

– Waxaa la isla gartay halista Cudurka Coronavirus oo si xowli ah adduunka ugu fidaya, una baahan in wadajir looga hortaggo Dowladd iyo Shacaba. 

– Waxay Culimadu qireen in Masaajida ay ka imaan karto khatar Caafimaad, marka la eego isu soo dhowaanshaha iyo tirada.

– Si arrinta Masaajida xal looga gaaro oo Culimadu doorkooda u qaataan, waxaa la isla gartay, in Culimadu xubno kusoo darsadaan guddiga wacyigelinta iyo ka hortagga Covid-19.

– Waxaa jiri doona kulamo danbe oo arrimahan looga sii wadashaqeyn doono.

Guddiga Wacygelinta iyo Ka hortagga Covid-19, ayaa sidoo kale kulamo la qaadan doona Nabadoonada iyo Ganacsatada si iyana ay doorkooda u qaataan.

HORSEEDMEDIA

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *