Madaxweynaha Hirshabeelle oo gaaray Muqdisho

Published: June 8, 2022

Madaxweynaha Dowlad goboleedka Hirshabeelle Cali Guudlaawe Xuseen ayaa maanta dib ugu soo laabatay dalka, kadib howlo shaqo oo uu dibada ugu maqnaa.

Madaxweynaha waxaa garoonka diyaaradaha ee Aadan Cade kusoo dhaweeyay xubno labada gole ee DFS, Qaar kamid ah Wasiirada iyo Xildhibaanada Hirshabeelle, Saraakiil iyo Masuuliyiin kale.

Madaxweynaha ayaa Magaalada Muqdisho uga qeybgalaya caleemasaarka Madaxweynaha cusub ee Dowladda Federaalka Soomaaliya.

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *