Madaxweynaha Hirshabeelle oo ka tacsiyadeeyay dadkii ku dhintay qarixii ka dhacay Beladweyne

Published: February 19, 2022

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Hirshabeelle Mudane Cali Cabdullaahi Xuseen Cali Guudlaawe ayaa tacsi tiiraanyo leh u diray qoysaska qaraabada iyo dhamaan shacabka Soomaaliyeed ee ku naf waayay qaraxii bahalnimo ee argagixisadu ay la beegsadeen dad ku shaahiyaynaya Baar Xasan dhiif ee magaalada Beledweyne.

Madaxweynaha Hirshabeelle ayaa tilmaamay in argagixisadu cadow ku yihiin nolosha iyo horumarka dadka Soomaaliyeed, yoolkooduna yahay gumaadka shacabka iyo beegsiga haldoorka bulshadeenna, isagoo amray laamaha kala duwan ee amniga inay xaqiijiyaan Nabadgelyada magaalooyinka Beledweyne iyo Jowhar oo ay ka socdaan doorashooyinka Golaha Shacabka.

Mudane Cali Guudlaawe Xuseen ayaa Alle uga baryay Mas’uuliyiintii iyo shacabkii ku geeriyootay qaraxii argagixiso in uu hoygooda ka yeelo Jannatul Firdowsa, inta ku dhaawacantayna uu Eebbe u boogo dhayo.

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *