Madaxweynaha Hirshabeelle Oo La Shiray Hay’adaha Amniga

Published: December 31, 2020

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Hirshabeelle Cali Guudlaawe Xuseen ayaa shir gudoomiyay shirka Amniga Dowlad Goboleedka Hirshabeelle, kaas oo maanta ay kasoo qeybgaleen masuuliyiin kala duwan oo ay kamid yihiin:

Wasiiru-dowlaha amniga, maamulka gobolka shabeellaha dhexe, guddiga Amniga, taliyaha guutada 3aad ee qeybta 27aad, taliyaha ciidanka Danab ee Hirshabeelle, taliyaha hay’ada nabadsugida Hirshabeelle, taliyaha qeybta booliska gobolka shabeellaha dhexe, taliyaha ciidanka Haramcad ee Hirshabeelle.

Madaxweynaha ayaa Kulankaan warbixinta  todobaadlaha ee xaaladaha Amniga ka dhageystay Saraakiisha kala duwan, waxayna madaxwaynaha la wadaageen hawlgallo ay todobaadkaan sameeyeen, kuwaas oo ay kusoo qabteen Xubno ka tirsan Al-shabaab.

Madaxweynaha ayaa uga mahadceliyay hay’adaha Amniga dadaalada ay wadaan iyo shaqada adag ee ay umadda u hayaan.

Horseed Media

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *