Madaxweynaha Hirshabeelle oo Qaabilay Qaar kamid ah Saraakiishii kasoo horjeeday maamulkiisa

Published: February 12, 2022

Madaxweynaha Dowlad Gobaleedka Hirshabeelle Mudane Cali Guudlaawe Xuseen oo uu wehliyo Madaxweyne Ku-Xigaanka Mudane Yuusuf Axmed Hagar ayaa qaabilay Korneyl Nuur Dheer, Xildhibaano iyo Saraakiil kale.

Korneylka oo ka mid ah Saraakiisha Ciidanka Booliska Hirshabeelle ayaa Madaxweynaha ka raali galiyay qadafkii ka dhacay waxa uuna balan qaaday inuu diyaar u yahay inuu la shaqeeyo Madaxweynaha. Dhanka kale Madaxweynaha ayaa bogaadiyay imaanshaha uu u yimid waxa uuna aqbalay raali galinta.

Madaxweynaha ayaa xaliyay dhammaan tabashooyinkii jiray waxa uuna sii wadi doona la kulanka bulshada iyo inuu qanciyo cidwalba oo tabasho qabto.

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *