Madaxweynaha Jabuuti Ismaaciil Cumar Geelle oo lagu soo dhoweeyey Muqdisho

Published: December 28, 2022

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Jabuuti Ismaaciil Cumar Gelle ayaa maanta soo gaaray magaalada Muqdisho, waxaana garoonka diyaaradaha ee Aadan Cadde kusoo dhaweeyay masuuliyiinta dowladda Federaalka oo uu hoggaaminayay Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud.

Madaxweyne Geelle ayaa loo gudbiyay Villa Soomaaliya, munaasab kooban oo soo dhaweyn ah kadib, halkaas oo uu wadahadallo kula leeyahay dhiggiisa Xasan Sheekh.

Labada Madaxweyne ayaa si wadajir ah xarigga uga jari doona xarunta cusub ee Akeddeemiya Goboleedka Af Soomaaliga, sida ay sheegtay xaruntu.

Xarunta Akedeemiya Goboleedka Af-Soomaaliga ayaa sidoo kale sheegtay in martida ka qeyb galeysa daahfurka xaruntan uu ka mid yahay madaxweynaha dowlad deegaanka Soomaalida Mustafe Cumar.

Horseed Media