Madaxweynaha Jabuuti Ismaaciil Cumar oo maanta ku soo wajahan Magaalada Muqdisho

Published: December 28, 2022
Shares2

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Jabuuti Ismaaciil Cumar Geelle iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa maanta ku soo wajahan caasimadda dalka ee Muqdisho halkaas oo booqasho rasmi ah uga billaabaneyso.

Qabanqaabada soo dhaweynta Madaxweynaha iyo wafdigiisa ayaa si weyn looga dareemayaa caasimada dalka iyada oo aad loo adkeeyay ammaanka.

Ciidamada Dowladda ayaa saaka xiray wadooyinka halbowlaha u ah isu socodka dadka iyo gaadiidka ee Magaalada Muqdisho.

Hay’adaha ammaanka ayaa shacabka ka dalbaday in  ay dulqaad muujiyaan maadaama isu socodka la adkeeyay si amniga wafdiga loo sugo.

Horseed Media