Madaxweynaha JFS oo Safiirada dalalka Midowga Yurub uga warbixiyey dagaalka Al-shabaab

Published: January 14, 2023
Shares2

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa Madaxtooyada Qaranka kula kulmay Safiirka Midowga Yurub ee Soomaaliya Marwo Tina Intelman iyo qaar ka mid ah Danjireyaasha dalalka Midowga Yurub u jooga dalka.

Madaxweynaha ayaa safiiraddanuga warbixiyey guulaha laga gaaray dagaalka dalka looga xoreynayo Alshabaab, dhammeystirka Dastuurka, Dimuquraadiyeynta iyo Dayn cafinta.

Madaxweynaha oo Danjireyaasha la wadaagay sida geesinimada leh ee Ciidamada Qaranka oo kaashanaya shacabka Soomaaliyeed ay u xoreeyeen deeganno badan oo ka tirsan Gobollada Shabeellaha Dhexe, Hiiraan, Galguduud iyo Mudug ayaa tilmaamay in halganka dib u xoreynta dalka uu barbar socdo qorshaha dhammeystirka dhismaha hay’adaha muhiimka u ah dowladnimada iyo xaqiijinta himmilooyinka ay muddada dheer ku taamayaan shacabka Soomaaliyeed gaar ahaan qorshaha la wareegidda mas’uuliyadda amniga dalka, dhammeystirka Dastuurka, dayn cafinta, xoojinta Dimuquraadiyeynta, Federaaleynta  iyo adkaynta dowladnimada.

Dhankooda, Safiirada oo bogaadiyey howlgallada xoreynta deegannada ay ku dhuumaaleysanayaan Al-shabaab ayaa sheegay in dowladda Federaalka Soomaaliya ay ka gacan-siinayaan arrimaha hortebinta u leh oo ay ugu horreeyaan la wareegidda amniga guud ee dalka,  xoojinta federaaleynta, daadejinta hannaanka dowliga ah, saamaynta Isbaddalka cimmilada iyo Gargaarka Beni-aadannimada.

Horseed Media